Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in sanadkii 2020-ka ay boqolkiiba 6 hoos u dhaceen kiisaska ku saabsan cudurka duumada ee laga diiwaangeliyay gudaha wadanka.
Wasiirka caafimaadka Mutahi Kagwe ayaa laga soo xigtay in tobankii sano ee ugu dambeeyay culeyska dhanka malaariyada uu yaraaday boqolkiiba 50.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in kiisaska duumada ee dalka ay sanadkii 2010-kii ahaayeen boqolkiiba 11 balse labo sano ka hor ay noqdeen boqolkiiba 6.
Wasiir Kagwe ayaa xusay in arrintan lagu guulaystay ka dib wada shaqeyn hoose oo dhex martay dowladda dhexe , ismaamullada , bulshada deegaanada , saaxiibada Kenya ee dhanka horumarka iyo beesha caalamka ee la dagaalanka duumada.