Mwabili Mwagodi oo ah muwaadin kenyaan ah oo u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha oo la waayay Arbacadii ayaa laga helay ismaamulka Kwale.
Maalmo ka hor ayaa dad ugu war dambeysay xilli uu ku sugnaa magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.
Madaxa fulinta ee hay’adda Vocal Africa , Xuseen Khaalid ayaa sheegay in Mwabili looga tagay meel duur ah aagga Kinondo oo u dhow Diani oo ka tirsan dowlad deegaanka Kwale .
Waxaa uu sheegay in shakhsigan uu la soo xiriiray qoyskiisa oo ugu dambeyn soo wargeliyay hay’adda.
Xuseen ayaa intaasi ku daray in Mwabili Mwagodi la geeyay isbitaalka Pandya ee Mombasa si baaritaan caafimaad loogu sameeyo ka hor inta aan loo soo duulin Nairobi si uu qoyskiisa ula midoobo.
Habeenimadii Arbacada ayay ahayd markii la soo tabiyay in Mwabili oo si wayn u dhaliila dowladda talada haysa ay saraakiil gacanta ku dhigeen xilli uu ku wajahnaa maqaaxi.
Qoyskiisa iyo dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa dowladaha Kenya iyo Tanzania ka dalbanayay in Mwabili uu xurriyadiisa dib u helo.