Hay’adda UNICEF oo ka hadashay qarax ay ku dhinteen 22 carruur ah

0
257

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay sida ay uga naxday wararka sheegaya in ugu yaraan 22 carruur ah ay ka mid yihiin 27 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Waxaa ay hay’adda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay dhinteen ka dib markii haraaga walxo qarxa ay ku qarxeen goob ay carruurtu ku ciyaareysay.
“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah, ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayay tiri UNICEF.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka, ayay UNICEF sii raacisay.
UNICEF ayaa sheegtay in ay saaxiibbadeeda maxalliga ah kala shaqeyneyso in gargaar loo fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.
Shalay ayaa tuulada Muraale ee hoostagta degmada Jannaale waxaa qarax ka dhacay deegaankaasi uu dilay 27 qof, sida uu laanta afka soomaaliga ee VOA-da u sheegay guddoomiyaha degmadaasi Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur Al-Cadaala.
Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa sheegay in walxaha ay ku qaraxday dadka deegaanka inay u muuqato, mid ay ahayd in loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, hase ahaatee aynan qarxin xilligaasi.
Waxaa jira halis soo noqnoqotay oo ku aaddan hubka iyo walxaha qarxa ee loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo mararka qaarkood laga helo goobaha miyiga ah iyaga oo aan qarxin, waxaana ay walxahaasi galaaftaan nolosha dad badan oo rayid ah, sida dhacdadan ugu dambaysay ee ka dhacday deegaanka Muraale oo 12 kiilomitir u jirta degmada Jannaale.