Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya oo taageero u muujisay qoysas ku barakacay Narok.

0
101

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya, oo kaashaneysa Midowga Yurub ee u qaabilsan Gargaarka Bani’aadamnimada iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa agab hoy degdeg ah u fidiyay 500 oo qoys oo barakacayaal ah oo ku nool Angatta Barikkoi, magaalada Transmara ee deegaanka Narok.
Dadaalka wadajirka ah ee saddexda urur ayaa jawaab u ah caqabadaha barakaca ee ka jira aagga.
Taageero dheeraad ah, oo ay ku jiraan gargaarka degdegga ah iyo adeegyada caafimaadka, ayaa laga heli karaa xeryaha caafimaadka ee ay samaysay Dowladda ismaamulka Narok.
Bixinta gargaarka ayaa loo arkaa inay timid waqtikii ugu habooneed, maadaama qoysas badan ay wajahayaan dhibaatada ah inay guryahooda waayaan.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey maalmaha soo socda, iyadoo hubineysa in qoysaska barakacay ay helaan daryeelka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin.