Hay’adda KCB Foundation oo deeq waxbarasho ku bixinaysa 252 milyan oo shilin

0
640

Hay’adda tabarucaadda ee bangiga KCB ee loo yaqaano KCB Foundation ayaa ugu baaqday ardayda doonaya in laga bixiyo qarashaadka tacliinta ee dugsiyada sare inay soo dirsadaan codsiyo.
Waxay hay’adda sanadkan deeqda waxbarasho ee ay bixiso ku kordhisay 252 milyan oo shilin.
Barnaamijkan ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya 1,000 arday ah oo ka soo jeedo qoysas danyar ah kuwaasoo buundooyin wanaagsan ka soo hooyay imtixaankii fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da .
Tirada ardayda ee ay horay hay’addan uga bixisay qarashaadka tacliinta ee dugsiyada sare ayaa ahayd 240 balse waxaa la kordhiyay ka dib markii KCB Foundation ay ballaarisay barnaamijkeeda.
Bayaanka hay’addan oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray warbaahinta Star ayaa waxaa ku xusan inay si gaar ah u taageeri doonaan ardayda ka soo jeeda deegaannada kuwa kale kaga dambeeya dhinaca horumarka , bulshooyinka laga tirada badan yahay ama liita nolol ahaan.
Agaasimaha suuqgeynta ee KCB Group ,Rosalind Gichuru ayaa sheegtay in ardayda laga soo xulan doono 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Waxay intaasi ku dartay inay tirada kordhiyeen iyagoo tixgelinaya saameynta dhaqaale ee ay qoysas badan ku yeesheen cudurka COVID-19 iyo abaarta.
Deeqda waxbarasho ee hay’adda KCB Foundation ayaa ah mid dhameystiran oo muddo afar sano ah ardayga ka kaafinaysa baahiyaha dhanka tacliinta.
Ardayda ayaa codsiyada dirsan karo ilaa 11-ka bishan Afaraad oo ku beegan Isniinta soo socoto.