Hay’adda Islamic Relief ayaa sheegtay inay lacag caddaan ah siin doonta 200 oo qoys oo ku kala nool afar tuula oo hoos yimaado deegaan baarlamaaneedka Ijara ee Ismaamulka Garissa.
Agaasimaha guud ee hay’adan Cabdullaahi Iidle ayaa sheegay in mid kasta oo ka mid ah qoysaska la bartilmaameedsaday uu heli doono lacag dhan 9222 oo shilin muddo saddex bilood ah.
Mr.Iidle ayaa xusay in tuulooyinka la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin Gababa, bulla Ducaale, bulla Gona iyo Bulla Daahir oo ku yaalla magaalada Masalani ee hoos tagta deegaan baarlamaaneedka Ijara.
Waxaa uu sheegay in barnaamijkan lacagaha caddaanka ah lagu siinaya qoysaska danyarta ah uu yahay istaraatiijiyad lagu dhimayo abaarta baahsan ee ka jirta deegaankaasi.
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala deegaanka Ijara Willy Cheboi ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, isagoo ugu baaqay hay’adaha kale ee aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegaankaasi inay qayb ka noqdaan barnaamijyada lagu taageerayo qoysaska danyarta ah.
Mr.Cheboi ayaa bogaadiyay hay’adda Islamic Relief sida ay dowladda ula shaqeyso iyo sidoo kale dadaallada wadajirka ah ay ku caawineyso dadka danyarta ah.




