Hay’adda IMF oo Kenya siinaysa amaah lacageed oo ah 52.7 bilyan

0
368

Waxaa la filayaa in dowladda Kenya ay hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ay kala wareegto amaah lacageed oo dhan 52.7 bilyan oo shilin una dhiganta 433 milyan oo doolar.
Guddiga fulinta ee IMF ayaa la sugayaa inuu ansixiyo bixinta deynta.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii ay hay’adda lacagaha adduunka ay soo gabagabeysay dabagal ay shaqaalaheeda ka sameynayeen gudaha wadanka.
Waxay markii afaraad dib u eegis ku sameynayeen barnaamij amaah ah oo u dhexeya Kenya iyo IMF oo soconaya 38 bilood.
Barnaamijkan ayaa ku eg 30-ka bisha Lixaad ee sanadka 2024.