Hay’adda HRW oo dhaliil u jeedisay dowladda Pakistan

0
271

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maamullada dalka Pakistan ku dhaliishay inay iyagoo awood adeegsanaya dad beeraleey ah ka sareen meel ay degganayeen.
Kumanaan qof ayaa laga daadgureeyay meel u dhow magaalada Lahore si halkaasi looga fuliyo mashruuc dhanka kaabayaasha ah.
Mashruucan oo loo yaqaano (RUDA) oo ku kacaya qarash dhan 7 bilyan oo doolar ayaa la daahfuray sanadkii 2020-kii.
Ra’iisul wasaarihii Pakistan ee xilligaasi Imran Khan ayaa sheegay in mashruuca uu xallin doono caqabadaha dhanka wasaqeynta deegaanka , biyaha , bullaacadaha, guriyeynta iyo shaqo abuurka.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in dowladda Pakistan ay dacwado ku soo oogtay in ka badan 100 beeraleey ah oo lagu eedeyay inay diideen inay dhulkaasi ku wareejiyaan dowladda.
Beeralayda ayaa maxkamadda sare ee magaalada Lahore u gudbiyay dacwad cabasho ah waxayna maxkamaddu bishii koowaad ee sanadkii hore sharci darro ku tilmaantay mashruuca RUDA maadaama aan la tixgelin xeerarka ku saabsan lahaanshaha dhulka iyo magdhowga la bixiyo.
Hasa ahaate bil ka dib maxkamadda ugu sarreysa Pakistan ayaa laashay go’aankii hore oo amartay in dowladdu ay barnaamijkeeda ka hirgeliso aaggaasi.