Hay’adda HAKI Africa oo doonaysa in shaqada laga joojiyo sarkaal dhibaatooyin gaystay

0
234

Hay’adda u ololeysa xuquuqul aadanaha ee HAKI Africa ayaa dalbatay in shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyo sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska oo muuqaal laga duubay xilligii ay socdeen dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio isagoo burbur u gaysanaya daaqadda baabuur siday wariyaal ka dibna adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa.
Hay’adda ayaa warqad arrinkan ku aaddan u qortay maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska dalka ee IPOA.
Waxay HAKI Africa dalbanaysa in sarkaalkan uunan sii shaqeyn inta lagu guda jiro baaritaannada ka dhanka ah.
Hay’adda ayaa codsigan sidoo kale u gudbisay waaxda dacwad oogidda dalka iyo laanta arrimaha gudaha ee booliiska.
Qoraalka hay’adda waxaa ku cad in aynan jirin sabab askariga ku qasabtay inuu awood xad-dhaaf ah u adeegsado wariyaasha maadaama aynan khatar gelin noloshiisa ama qof kale sidoo kalena aynan gaysan boob hantiyadeed.
Agaasimaha guud ee HAKI Africa Xuseen Khalid ayaa maamulka IPOA ka codsaday inuu sarkaalka ka qaado tallaabo sharciyeed.
Waxaa uu xusay in haddii aanan falkaasi lagula xisaabtamin, saraakiisha kale ee booliiska ay ku dhiirran doonaan inay waxyeello u gaystaan suxufiyiinta halka IPOA ay lumin karto kalsoonida shacabka.
Shalay ayay ahayd markii taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome uu xaqiijiyey inay socdaan baaritaano ka dhan ah sarkaalka eedeysan.