Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin oo diyaar u ah inay daadgureyso bukaanka Al-Shifa

0
232

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in howlwadeenadeeda ay diyaar u yihiin inay bukaanka ku jiro isbitaalka ugu wayn Qaza ee Al-Shifa ay halkaasi ka soo daadgureeyaan.
Waxay intaasi ku dartay in 14 ka mid ah gaadiidka gurmadka degdegga ee Ambulance in la geeyay xaruntaasi.
Waxaa sidoo kale isbitaalka Al-Shifa ee Qaza ku sugan xubnaha hay’adaha qaramada midoobay, kuwa gargaarka iyo ururka dhakaatiirta aan xuduudda lahayn.
Hay’adda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Facebook-ga ku sheegtay in dadka ka xanuunsan kilyaha loo wareejin doono isbitaalka Abu Youssef al-Najjar ee Rafah oo ku taalla Koonfurta Qaza halka kuwa dhaawaca ah la geynaya isbitaalka European Hospital ee Koonfurta magaalada Khan Younis ee Daanta Galbeed.
Waxaa la qiyaasaya in ugu yaraan 250 bukaan iyo shaqaale caafimaad ay ku xanniban yihiin isbitaalka al-Shifa ee Qaza ee dalka Falastiin oo ay saameeyeen duqeymaha Israa’iil.