Hay’adda Amnesty oo sheegtay in Israa’iil ay xasuuq ka gaysatay Qaza

0
315

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in duullaanka militari ee Israa’iil ay ka wado gudaha Qaza uu yahay xasuuq shacab.
Warbixintan oo maanta la soo saaray ayaa timid ka dib cilmi baaris ay Amnesty wadday bilooyin.
Waxay hay’addu sheegtay in ay wareysiyo ballaaran la yeelatay goobjoogayaal sidoo kalena la qiimeeyay muuqaallada dayax-gacmeedka iyo farriimo ay jeediyeen saraakiisha sare ee militariga Israa’iil.
Hay’adda ayaa xustay in militariga Israa’iil ay gaysteen ugu yaraan 3 ka mid ah 5 fal oo lagu mamnuucay heshiiskii ka dhanka ahaa xasuuqa ee sanadkii 1948-dii.
Waxaa falalkan ka mid ah in rayidka si aan kala sooc lahayn loo dilo , in qofka la gaarsiiyo dhibaato culus oo jireed mise maskaxeed iyo in Falastiiniyiinta loo horseeday xaalado nololeed oo ku aaddan baab’in.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaadday xoghayaha guud ee hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International Agnes Callamard.