Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa doonaysa in lala xisaabtamo saraakiisha dowladda ee ka gaabiyey in laga hor tago waxa ay ku tilmaantay xasuuqa ee laga soo tabiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Agaasimaha fulinta ee hay’adda Amnesty-Kenya , Irungu Houghton ayaa sheegay inay qasab tahay in la qaato mas’uuliyadda la xiriirta sida ay ku dhacday in ugu yaraan 300 oo qof halkaasi lagu aasay iyadoo aan laga war hayn.
Waxaa uu Irungu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in guddiga uu aqalka sare u saaray baaritaannada meydadka laga helay keyntaasi uu soo bandhigo talooyin wax ku ool ah oo lagu tallaaba qaadi karo.
Agaasimaha ayaa ku celceliyay inay qasab tahay in lala xisaabtamo cid waliba oo dayacday mas’uuliyadii ka saarnayd arrinkan si qoysaska dadka dhintay ay cadaalad u helaan sidoo kalena aan mar dambe loo soo tabin xabaal wadareedyada lagu aasay meydadka badan.
Today, we welcomed the opportunity to come before the Senate Adhoc Committe today investigating the proliferationof Religious organisations and the circumstancesleading to the death of more than 338 prople in Shakahola- Kilifi county.#ShakaholaMassacre pic.twitter.com/0d0NGeE5V9
— Amnesty Kenya (@AmnestyKenya) July 5, 2023
A comprehensive investigation would be the way to go. If provided with the right support to embark on such. @HakiKNCHR #Justice4Shakahola#shakaholamassacre
— Amnesty Kenya (@AmnestyKenya) July 5, 2023