Hay’adda Amnesty oo codsi u gudbisay guddiga qaran ee wada xaajoodyada

0
189

Hay’adaha u ololeeya arrimaha xuquuqul aadanaha oo ay ka mid tahay midda caalamiga ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa soo jeedin qoraal ah u gudbiyay guddiga qaran ee wada xaajoodyada siyaasadeed.
Waxaa uu qorshuhu yahay in soo jeedintan oo ka kooban ilaa shan qodob la hor dhigo xubnaha kala matalaya isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja-One Kenya.
Agaasimaha fulinta ee Amnesty qaybteeda dalka Irungu Houghton ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in mudnaan la siiyo sidii baaritaano madax bannaan loogu sameyn lahaa awoodaha xad dhaafka ah ee ay adeegsadaan ciidamada booliiska , dilalka sharci darrada ah, dadka la waayo iyo dib u dhaca ku yimaada inay cadaalad helaan shakhsiyaadka ay booliisku ku xad gudbaan.
Waxaa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in arrimahan si degdeg ah loo xalliyo.