Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa maxkamadda cadaaladda ee Bariga Afrika ugu baaqday in ay baaritaanno madax bannaan oo aan dhinacna loo eexan ku sameyso dowladaha Kenya iyo Tanzania.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in maalmo ka hor Mwabili Mwagodi oo u ololeeya xuquuqul aadanaha laga afduubtay gudaha dalka Tanzania balse shalay lagu arkay meel u dhow Diani oo ka tirsan ismaamulka Kwale ee dalkani Kenya.
Waxay Amnesty sheegtay in labada dowladood oo aan weli ka hadlin arrinta Mwagodi ay tahay mid walaaceeda leh oo la doonaya in si madax bannaan loo baaro.
Hay’adda ayaa xustay in howshan ay tahay mid u taalla maxkamadda cadaaladda ee Bariga Afrika ee East African Court of Justice.