Hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan samafalka ayaa billaabay in gargaarka gobollada SSC oo horay loo marsiin jiray dhinaca Somaliland ay u soo wareejiyaan dhanka Puntland.
Arrintaan ayaa loo sababaynayaa colaadda ka taagan magaalada Laascaanood iyo iyadoo dadkii ka barakacay halkaas ay badi ku sugan yihiin magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland iyo deegaanada hoos yimaada gobolka Sool oo ay SSC ka taliso.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa shalay saddex gaari oo xamuul ah oo waday gargaar dawo iyo qalabka nadaafadda gaysay Garowe, si loo gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee bulshooyinka soo barakacay.
Garaadada SSC-Khaatuma ayaa sheegay inay ogyihiin in mucaawinooyinkii beesha caalamka ay u soo marsiin jireen dhinaca Somaliland hadda ka dib loo soo wareejinayo SSC.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in caalamka rumaystay hadalalda dhinacyada ka soo horjeeda oo uu ula jeedo Puntland iyo SSC.
Home Wararka Soomaaliya Hay’adaha samafalka oo gargaarka SSC loo marin jiray Somaliland u wareejiyay dhinaca...