Hay’adaha aan dowliga ahayn oo haysta 90 cisho oo ay canshuur ku bixin karaan

0
398

Dowladda dhexe ayaa hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs u qabatay muddo saddex bilood ah oo ay ku dhameystirayaan bixinta canshuurta looga baahan yahay.
Waxaa arrintan ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i .
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in hay’adahan si la mid ah kenyaanka laga doonayo inay sanad kasta shaaciyaan qaabka ay canshuurta u bixiyeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay hadda haystaan 90 cisho oo ay faahfaahintan kula wadaagi karaan guddiga dowladda dhexe u qaabilsan maareynta hay’adaha aan dowliga ahayn.
Amarka uu soo saaray wasiir Matiang’i ayaa saameynaya 7, 213 oo ah hay’adaha NGOs ee ka howlgalo gudaha wadanka.