Haweeneydii ugu horreysay oo shaacisay inay u tartamayso madaxtinnimada Kenya

0
811

Waxaa loolanka xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadkan ku soo biirtay haweeney ganacsata ah oo lagu magacaabo Grita Muthoni oo sheegtay inay tartanka qayb ka tahay.
Grita ayaa noqonaysa qofkii ugu horreeyay ee dumar ah oo shaaciya in sanadkan ay u taagan tahay qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Waxay adeegsan doontaa tikeedhka xisbiga Ford-Asili iyadoo hoosta ka xarriiqday inay doonaysa in haweenka iyo dhallinyarada ay ka soo weeciso madaxda ay u barteen.
Shalay ayay ololaheeda siyaasadeed shaaca kaga qaadday magaalada Nairobi .
Muthoni ayaa sheegtay in ujeeddada ay u tartamayso ay tahay inay ganacsiyada maxalliga ah u abuurto jawi wanaagsan oo ay ku horumari karaan iyadoo soo jiidanaysa maalgashatada caalamiga ah.