Waxaa lagu soo warramayaa in haweeney haysata dhalashada waddamada Canada iyo Faransiiska balse ku nool dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 22 sano oo xabsi ah.
Haweeneyda ayaa la sheegay in warqado ku xardhan sun ay u dirtay dad uu ka mid yahay Donald Trump xilligii uu hayay xilka madaxtinimo ee wadanka Mareykanka.
Pascale Ferrier, oo 56 sano jir ah, ayaa xukunka oggolaatay bishii Labaad ee sanadkan, ka dib markii ay aqbashay eedo loo soo jeediyay.
Baqshadda oo sunta ku jirtay ayaa gacanta lagu soo dhigay bishii Sagaalaad ee sanadkii 2020-kii, ka hor inta aan loo sii gudbin Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.
Ferrier ayaa maxkamadda u sheegtay inay ka qoomameyneyso in qorshaheeda uusan guuleysan.
Laanta dambi baarista dalka Maraykanka ee FBI-da ayaa faraheeda ka helay baqshaddda loo siday Donald Trump.