Haweeney sheegtay in ay wiil 6 sano jir ah ku iibsatay 30,500 oo shilin

0
1117

Haweeney ka soo hormuuqatay maxkamadda magaalada Eldoret oo loo haysta in ay bishii Shanaad ee sanadkan xadday wiil 6 sano jir ah ayaa sheegtay in ay wiilkaasi ku iibsatay 30,500 oo shilin.
Garsooraha maxkamadda, Cheronoh Kesse ayay u sheegtay in ay wiilka qof ka iibsatay maadaama aynan iyada awoodin in ay canug dhasho.
Monicah Kwamboka ayaa codsatay in la fasaxo si ay u keento haweeneydii lacagta ka qaadatay oo ka soo jeeda xaafadda Langas ee magaalada Eldoret.
Garsooraha ayaa amray in eedeysanaha oo dambiga qiratay lagu sii hayo saldhigga booliiska ee Langas ilaa 29-ka bishan Tobnaad oo dacwadda mar kale la soo hadal qaadi doono.