Haweeney maxkamadda geysay Sonko oo sheegaysa in lacag lagu siiyay

0
476

Haweeney dhalasho ahaan ka soo jeedo ismaamulka Kajiado oo barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ku eedeysay inuusan ku biilin canug ay u dhashay ayaa kiiskaasi maxkamadda ka saartay.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay ku been abuuratay siyaasiga ka dib markii lagu cadaadiyay oo la siiyay lacag dhan 240, 000 oo shilin.
Collet Diane Lusuyi ayaa warqad dhaarasho ah ku sheegtay in labo haween oo ka soo jeedo Mombasa oo lagu kala magacaabo Zuhura iyo Latifa ay arrintan ka dambeeyeen.
Kiiska ay maxkamadda geysay ayay ku dalbanaysa in Sonko lagu amro inuu bil waliba siiyo 448,450 oo shilin si loogu daryeelo canug ay ku andacootay inay isku dhaleen 15 sano ka hor.
Labada qof ee haweenka ah ayay sheegtay inay u ballanqaadeen lacag dhan hal milyan oo shilin haddii ay dhaawacdo sumcadda Sonko in kastoo aynan lacagtaasi u dhameystirin.
Dacwadda ay maxkamadda geysay 12-kii bishii Shanaad ee sanadkan ayay si shuruud la’aan ah meesha uga saartay iyadoo Sonko iyo maxkamadduba ka raaligelisay qaladka ay sameysay.
Mike Sonko ayaa horay u sheegay inuu canuga daryeelaya haddii uu dhalay iyo haddii kaleba.