Haweeney loo xiray inay shacabka carro uga iibinaysay bur ahaan

0
500

Ciidamada booliska ee ismaamulka Tana River ayaa gacanta ku dhigay haweeney lagu magacaabo Fatuma Issa.
Waxay ku eedeysan tahay inay dadweynaha ka iibinaysay carro ay ka buuxisay baakadaha burka nooca Ajab.
Fatuma Issa iyo Tony Molaya oo ay wada shaqeynayeen ayaa lagu xiray aagga Adere ee dowlad deegaankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii qof macaamiil ah uu waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ku wargeliyay in laga iibiyay carro loo habeeyay sida burka Ajab .
Adeegga qaran ee booliiska ayaa laga soo xigtay in qofkan oo dukaan lagu iibiyo badeecooyinka tafaariiqda ku leh gudaha xarunta tababarka ee Madogo Training Centre uu Fatuma Issa ka iibsaday ilaa 7 xabbo oo u eg burka Ajab balse ay carro gudaha ka buuxdo.
Waxaa uu bixiyay lacag dhan 11,900 oo shilin ka hor inta uunan ogaan in la khiyaanay.
Dambi baarayaasha ayaa isla markiiba guda galay baaritaano waxayna soo xireen haweeneydan iyo qof la shaqeynayay .
Waxaa laamaha ammaanka cabasho u soo gudbiyay labo qof oo kale oo sheegaya in qaabkan lagu khiyaanay.
Eedeysanayaasha ayaa lagu helay ilaa 240 oo ah baakadaha burka ee ay carrada ka buuxiyeen waxaana lagu wadaa in maxkamadda la soo taago ka dib marka baaritaannada ka dhanka ah la soo gabagabeeyo.