Haweeney la dilay kadibna jirkeeda lagu gubay magaalada Kiserian

0
436

Ammaanka magaalada Kiserian ee ismaamulka Kajiado ayaa wali ah mid kacsan kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay dhaceen falal isugu jira kufsi iyo dil.
Kiiskii ugu dambeeyay ayaa haweeney 45 jir ah, oo magaceeda lagu sheegay Naomi Wambui la helay iyada oo la gowracay oo lagu dhex gubay gurigeeda Axadda maanta ah.
Meydka ayaa loo qaaday qolka meydadka lagu keydiyo ee Ngong iyadoo booliiska ay bilaabeen baaritaano ku aadan dilka arxan darada ah.
Xubnaha qoyska ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay soo dedejiyaan baaritaannada, isla markaana ay xaqiijiyaan in gacal ku dhiiglaha la horkeeno cadaalada.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Kajiado, Leah Sankaire, ayaa cambaareysay kiisaska kufsiga iyo xad gudubyada ka dhanka ah dumarka ee dalka ku soo badanaya, iyadoo ku boorisay mas’uuliyiinta inay qaadaan tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.