Haweeney ku eedeysan qaran dumin oo lagu xiray Ruushka

0
211

Waaxda amniga gudaha iyo sirdoonka dalka Ruushka ayaa degmada Ural ee wadankaasi ku xirtay haweeney haysatada dhalashada Ruushka iyo Maraykanka.
Waxaa loo haystaa inay ku kacday qaran dumin ka dib markii lagu eedeyay in ay dhaqaale u uruurisay Ukraine oo uu Ruushka ku hayo duullaan militari.
Adeegga amniga iyo sirdoonka Ruushka ee (FSB) ee magaalada Yekaterinburg ayaa qabtay haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin balse da’deedu lagu sheegay 33 sano jir.
Xeerarka dalka Ruushka ayaa qeexaya in qofkii lagu cadeeyo khiyaano qaran ama qaran dumin inuu muteysanaya xabsi 20 sano ah.