Haweeney ka been sheegtay aqoonteeda waxbarasho oo la xukumay

0
524

Maxkamadda ayaa xukun xabsi oo muddo afar sano ah ama ganaax lacageed oo dhan 300,000 oo shilin dul dhigtay haweeney lagu magacaabo Teresiah Wanjiku Ndungi.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in Teresiah ay sameysatay shahaadada Diploma oo been abuur ah taasoo u suurtagelisay inay shaqo ku hesho.
Waxay ka mid tahay shaqaalaha waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xiriirinta korontada iyo adeegyada kale ee tamarta ee deegaannada.
Hasa ahaate baaritaano uu sameeyay guddiga EACC ayaa lagu ogaaday inay adeegsatay qaab khiyaano ah taasoo ay ku heshay mushaar marka la isu geeyo dhan 479,021 oo shilin.
Guddiga ayaa xusay inay kordheen kiisaska shakhsiyaadka adeegsanaya dokumeentiyada faaliska ah si xilal loogu magacaabo ama loogu doorto jagooyinka hoggaanka sidaas awgeedna uu kaashan doono maamullada kale ee dowladda si arrintan loola tacaalo.