Haweeney ganacsato ah oo lagu tuhmayo in daroogada Xashiishka soo gelisa Nairobi oo la xiray

0
340

Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray haweeney ganacsato ah oo lagu magacaabo Nancy Kigunzu, oo loo yaqaano ‘Mathe wa Ngara.
Haweeneydan ayaa lala xiriirinaya daroogada nooca xashiishka oo toddobaadkii hore laga helay xaafadda Ngara ee magaalada Nairobi.
Waxaa lagu eedeynaya in gudaha caasimadda wadanka ee Nairobi ay soo gelisa maandooriyaha Xashiishka kana ganacsato.
Nancy Kigunzu ayaa la xiray gelinkii dambe ee shalay.
Waxaa ay xalay ku hooyatay saldhig booliiska oo yaalla magaalada Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan ay maxkamadda u gudbisay codsi ay ku dooneyso in damaanad lagu siidaayo.
Haweeneydan ayaa ku doodday inay tahay muwaadin sharciga u hoggaansan islamarkaana aysan waligeed wax dambi ah gelin
Waxaa ay sheegtay in waligeed looga yeerin xarumaha booliiska laguna soo oogin wax dambi ah.
Dhanka kale, saddex qof oo kale oo loo xiriirinaya daroogadan oo ay ku jiraan labo carruur ay haweeneyda dhashay ayaa la xiray toddobaadkii hore.
Waxaa uu qorshuhu yahay in saddexda qof maanta la soo taago maxkamada la dagaalanka maandooriyaha.