Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay haweeney 26 sano jir ah.
Wendy Mbeke Muli ayaa loo haystaa in ay doonaysay in ay dalka dibadiisa u gudbiso 626.65 garaam oo xashiish ah iyadoo adeegsanaysa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Waxaa la qabtay wax yar un ka dib markii ay gudaha u gashay diyaaradda ka dib markii dhaqdhaqaaqeeda laga shakiyay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Muli berri maxkamadda la soo hor taago.