Haweeney dil loo haysto oo xabsiga ku sii jiri doonto 21 cishe

0
239

Maxkamadda milimani ee magaalada Nairobi ayaa saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da u oggolaatay inay saddex toddobaad xabsiga ku sii hayaan gabadh ku eedeysan inay dishay sii hayihii xilka agaasimaha maaliyadda ee isbitaalka Nairobi ,Erick Maigo.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Ann Adhiambo Ouma.
Waxay ku jiri doontaa saldhigga booliiska ee Kilimani inta laga dhameystiraya baaritaano dhanka hidda-sidaha ah , faraha laga qaadaya iyo xaqiijinta da’deeda.
Talaadadii ayay ahayd markii gabadhan laga soo qabtay xaafadda Kibera ee ismaamulka Nairobi.
Garsoore Zainab Cabdul ayaa sheegtay in kiiskan mar kale la soo qaadi doono 18-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.