Haweeneey loo doortay in ay hogaamiso xisbiga talada haya ee dalka Japan

0
243

Sanae Takaichi ayaa loo doortay in ay hogaamiso xisbiga talada haya ee dalka Japan (LDP), sidaa awgeed waxa ay u badantahay in ay noqoto raysal wasaaraha xiga ee waddankaas, waana haweenaydii ugu horaysay ee hogaamisa xisbiga ugu weyn ee Qarankaas.
Takaichi ayaa kaga adkaaday Shinjiro Koizumi, oo ah wiil uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Junichiro Koizumi.
Codbixintii ku celiska ahayd ayaa dhacday Sabtida maanta iyadoo shanta murashax midkoodna uusan helin aqlabiyadda wareegii koowaad ee codbixinta.