Haweeney ayaa lagu xiray magaalada Kandara ee ismaamulka Murang’a ka dib markii ay baarayaal ka tirsan waaxda la dagaalanka maandooriyaha (ANU) ay ka qabteen gurigeeda 225 kiilogaram oo xashiish ah.
Eunice Wangui Kimani ayaa la qabtay ka dib markii ay ciidamada xog ka heleen xubno ka tirsan dadweynaha.
Markii ay baaritaan ku sameeyeen gurigeeda, saraakiishu waxay heleen 13 bacood oo ay ka buuxaan maandooriyaha nooca xashiishka, oo qiimaheeda lagu qiyaasay 6.7 milyan oo shilinka dalka ah.
Marka laga soo tago daroogooyinka, saraakiishu waxay sidoo kale soo heleen qalab baakado ah oo la rumeysan yahay in loo adeegsaday in lagu qeybinayay maandooriyaha , taasoo muujinaysa jiritaanka shabakad ballaaran oo ka ganacsada xashiiska kuwaas oo ku xiran tuhmanaha.
Eedaysanaha ayaa xabsiga lagu sii heyn doona inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada lagu hayo.
Maamulka ayaa shacabka ku bogaadiyay sida ay xogta muhiimka ah u wadaageen, waxayna xaqiijiyeen inay ka go’an tahay burburinta shabakadaha ka ganacsiga maandooriyaha ee ka howlgala dalka.




