Hantidhawraha Guud ee Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Ururka Hay’daha Hantidhawrrka Afrika

0
482

Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Guud ee Afrika ee af-Ingiriisiga ku Hadla (AFROSAI-E) ayaa Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee saddexda sano ee socota (2022-2024) u doortay Hantidhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Cali Afgooye.
Xilkan oo ah mid wareegto ah ayaa waxaa horay u hayay Hantidhawraha Guud ee Siera Leone Marwo Lara Taylor-Pearce.
Ururkan oo magaciisa oo loosoo AFROSAI-E ayaa waxaa ku midaysan Hantidhawrrada Guud ee dalala Afrika ee ku hadla af-Ingiriiska iyadoo xaruntiisu shaqadu tahay dalka Koonfur Afrika, Soomaaliya ayaa xubin firfurcoon ka ah Ururkan kaasoo Hantidhawrrada Guud ka taageera dhanka horumarinta maamulka iyo shaqada hay’ adaha.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe hirgaliyay tallaabooyin dib-u-habayn iyo horumarin isugu jira oo uu ku mutaystay aqoonsi heer gobol iyo mid caalami ahba.
Soomaaliya ayaa labadii sano ee u danbaysay waxay soo saaraysay warbixinno baariseed oo ku salaysan Hannaanka Baarista Caalamiga ee loo yaqaan ISSAIs.
Baaritaannada uu sameeyo XHGQ iyo talo-soojeedinnada la socda ayaa la sheegay inay muhiim u yihiin daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka maaliyadda dalka Soomaaliya iyo hannaanka dayn cafinta.