Xaalada Sanduuqa Xaaladaha Degdegga ah ee dalka, oo loogu talagalay in lagu xakameeyo dalka marka ay jiraan xaalado degdeg ah, ayaa walaac laga muujiyay ka dib markii uu Hanti dhowraha Guud daaha ka qaaday khaladaad baahsan iyo isla xisaabtanka daciifka ah ee isticmaalka lacagta gargaarka degdegga ah. Hantidhawrka cusub ee daboolaya sannad maaliyadeedka dhammaaday 30-kii June 2024-kii ayaa muujinaya balaayiin laga saaray sanduuqa iyada oo aan loo haysan sabab sax ah, halka wasaaradaha muhiimka ah ay ku guuldaraysteen inay xisaabiyaan lacag badan oo ay heleen.
Hantidhawraha Guud Nancy Gathungu ayaa soo saartay ra’yi u qalma xisaabaha sanduuqa, iyada oo tixraacaysa kharashyada aan la taageerin, ku takrifalka lacagaha, iyo jebinta shuruudaha sharciga ah.
Waxaa walaaca ugu badan ka mid ah 1.07 bilyan oo lacag celin ah oo aan la xaqiijin karin. Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Maamulka Qaranka, iyo Waraabka ayaan soo gudbin lacagihii ay qaateen, iyadoo aan la xaqiijin karin sida loo isticmaalay lacagtaas.
Gathungu ayaa waxaa kale oo ay khalad ku tilmaamtay isticmaalka 130 milyan oo shillin milyan oo ay istcimaaleen Waaxyada Hawlaha Guud, Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha, iyadhoo sheegtay in lacagtaas ay ku dhacday badeecooyin iyo adeegyo aan buuxin heerka sharciga ah ee looga baahan yahay kharashaadka degdegga ah..
Lacagaha ayaa waxaa lagu soo qaatay qodobbada Xeerka Maareynta Maaliyadda Dadweynaha, 2012, kaas oo u oggolaanaya qoondaynta degdegga ah ee baahiyaha “degdegga ah iyo kuwa aan la filayn”.
Waxaa ay sidoo kale walaac ka muujisay isticmaalka 3.83 bilyan oo loo hormariyay Waaxda Dhulka Oomanaha ah iyo Horumarinta Gobolka intii u dhaxeysay December ee 2023-kii iyo June 2024-kii.
Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegtay in howlahan horey loogu soo diyaariyay miisaaniyada dheeriga ah ee la ansixiyay, iyadhoo su’aal ka keentay sababta lacagaha deg degga ah loo isticmaalay.
Sanduuqa Xaaladaha lama filaanka ah ayaa waxaa lagu dhisay qodobka 208 ee dastuurka si loo daboolo baahiyaha degdega ah ee aan lagu soo koobin miisaaniyada.
Intii lagu jiray sannad-maaliyadeedka 2023-24-ka 6.53 bilyan ayaa laga soo saaray sanduuqa taasoo inta badan loo qoondeeyay abaaraha iyo tallaabooyinka lagu yareynayo fatahaadaha, oo ay ku jirto wax ka qabashada El Niño.