Xafiiska hanti dhowraha qaranka ayaa warbixin ku sheegay in dowladda dhexe ay dhisidda afar ka mid ah garoomada cayaaraha ku bixisay qarashaad ka badan intii loogu tala galay.
Nancy Gathangu, hanti dhowraha guud ee dalka ayaa tusaale u soo qaadatay in fagaaraha Wang’uru Stadium ee Mwea oo ka tirsan ismaamulka Kirinyaga loogu tala galay in lagu dhiso 696 milyan oo shilin balse qiimahan lagu kordhiyay 76.5 milyan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tani ay tahay xadgudub dastuuri ah .
Sidoo kale waxay su’aal gelisay sababta keentay in qandaraaska dhisidda fagaaraha Kirigiti Stadium ee ismaamulka Kiambu oo markii la bixinayay uu qiimihiisu ahaa 1 bilyan markii dambe qiimahaasi loogu kordhiyay 148 milyan.
Nancy Gathangu ayaa hoosta ka xarriiqday in qiimahan la kordhiyay boqolkiiba 25 in kastoo aan la soo bandhigin dokumeentiyada lagu ansixiyay.
Garoonka saddexaad ee ay dhisidiisa canshuur bixiyeyaasha kenyaanka ah ku lumiyeen 57 milyan oo shilin ayaa ah fagaaraha Jamhuri Posta grounds ee ismaamulka Nairobi oo la sheegay in lagu hirgeliyay 1.1 bilyan.
Sidoo kale ismaamulka Kisumu,wasaaradda maaliyadda ayaa lacag dhan 350 milyan ku bixisay wanaajinta fagaaraha Jomo Kenyatta Showground .
Home Wararka Kenya Hanti dhowraha guud oo su’aal gelisay miisaaniyadda lagu dhisay garoomada cayaaraha