War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hanti dhowrka guud ee qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xafiiska uu la wadaagay Xeer ilaaliyaha guud warbixin ku saabsan baaris fatasha ah oo laga sameeyay hay’ado ka tirsan dowladda, islamarkaana lagu ogaaday in qasnadda dowladda ka maqan tahay lacag dhan 21 milyan oo doolar.
Sida war-saxaafadeedka lagu shaaciyay lacagtan ayaa la qaatay muddadii dhexeysay 8-dii bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii ilaa 9-kii bishii Afaraad ee sanadkan, taas oo la tilmaamay inay ahayd lacago ka soo xarooday adeegyada bixinta iyo kordhinta ruqsadaha shaqo ee la siiyo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka Soomaaliya ka howlgala.
Warka ka soo baxay Hanti dhowrka guud ayaa sidoo kale lagu xusay in dhinacyada la tuhunsan yahay inay lacagtan lunsadeen ay ku jiraan madax iyo shaqaale dowladeed oo ka tirsan Wasaaradaha kala ah Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale xafiisyo kala taabacsan Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud.
Hoos ka akhriso war-saxafadeedka oo dhameystiran:-