Hanti dhowraha dalka oo sheegtay in dowladdu ay iyadoo loo ansixin isticmaashay 147 bilyan

0
178

Iyadoo xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka uu shaaca ka qaaday in dabagal la sameeyay lagu ogaaday in dowladda dhexe ay adeegsatay 147 bilyan oo shilin oo uunan baarlamaanku ansixin, haddana waxaa soo baxaya qaladaad dheeraad oo la xiriira maareynta lacagaha dadweynaha.
Nancy Gathungu, hanti dhowraha guud ee dalka ayaa sheegtay in amaah lacageed oo ballaayiin shilin ah la siiyay shirkadda duullimaadka ee Kenya Airways iyadoo aan wax dokumeenti ah oo taasi loo cuskanaya la hayn.
Lacagta amaahda ee ay bixisay wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ayaa lagu sheegay 16.2 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa su’aal la geliyay 4 bilyan oo shilin oo dheeraad ah oo bishii 11-aad ee sanadkii 2022-kii loo qoondeeyay waaxda tacliinta aasaasiga ee dalka iyo mashruuca wanaajinta tayada waxbarashada ee dugsiyada sare ee (SEQIP).
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in fasalladii lagu dhisayay mashruucaasi aan la dhameystiran oo aan hadda la isticmaalin.
Sidoo kale hanti dhowraha qaranka ayaa su’aal gelisay 2.2 bilyan oo loo qoondeeyay wasaaradda tamarta si loo xasiliyo qiimaha noocyada shidaalka.