Hal sano ka dib dilkii Xasan Nasrallah Xisbullah oo sheegtay inaysan hubka dhigi doonin

0
359

Hoggaamiyaha Xisbullah Naciim Qasem ayaa sheegay in kooxda hubeysan ee Lubnaan aysan ka tanaasuli doonin hubkeeda, hal sano kadib markii Israa’iil ay dishay hoggaamiyihii isaga ka horeeyay Xasan Nasrallah, kadib weerar cirka ah oo ay ku qaaday koonfurta magaalada caasimada ee Beyruut.
Isagoo Sabtidii la hadlayay kumannaankii isugu soo baxay qabriga Nasrallah ee ku yaalla caasimadda Lubnaan ee Beyruut, ayuu Qassem ballan qaaday inuu sii wadi doono awoodda militari ee Xisbullah, oo si weyn uu u wiiqay dagaalkii ay dhawaan la gashay Israa’iil.
Hadalkiisa ayaa imaanaya kadib markii dowladda cusub ee Lubnaan ay si cad u sheegtay inay hubka ka dhigi doonto kooxda ay Iiraan taageerto.