Hal qof oo ku dhintay dibadbaxyada mucaaradka ee Kisumu ka dib markii booliiska ay toogteen

0
481

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ka dib markii ay booliiska toogteen intii uu socday iska hor imaad rabshado watay oo dhexmaray laamaha amniga iyo dad mudaaharaadayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qofka dhintay ay booliiska ku toogteen agagaarka Patel Flat ee deegaanka Kondele ee ismaamulka Kisumu, halkaasi oo dhallinyaro ay dhagxaan ku tuurayeen booliiska ka hor inta aysan saraakiisha ammaanka rasaas furin.
Iska horimaadka ayaa billowday markii booliiska ay isku dayeen in dhallinyarada mudaaharaadaya ka hor istaagaan gelintaanka bartamaha magaalada Kisumu ee CBD.
Arrintan ayaa sii kordhisay mudaaharaadyada iyadoo dhallinyarada ay ka caroodeen in booliiska ay toogteen mid ka mid ah dadkii dhigayay dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo.
Dhanka kale xaafadda isku raranta ah ee Nyalenda ee Kisumu, askari ka tirsan booliiska ayaa dhagax lagu dhuftay waxyeello ka soo gaartay, waxaana loola cararay isbitaalka isagoo dhiig baxaya.