Hal qof oo loo xiray falal dhac ah oo laga gaystay Kilifi

0
105

Ciidamada booliiska ee Mtwapa oo hoos tagto deegaanka Koonfurta ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lala xiriirinaya falal dhac ah oo saameeyay magaaladaasi.
Intii uu howlgalka socday, saraakiisha ayaa soo helay waxyaabo elektoroonig ah oo la rumeysan yahay in la xaday sida telefishinno, agabka kombiyuutarka iyo kuwo kale.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS oo aan shaacin magaca tuhmanaha la xiray ayaa sheegay inuu ku jiro saldhigga oo uu maraya baaritaan dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.
Dhanka kale , ciidamada booliiska ee ka howlgalo saldhigga deegaanka Mukutani ee ismaamulka Baringo ayaa lagu soo wareejiyay hub sharci darro ah.
NPS ayaa laga soo xigtay in hubkan ay shalay si iskood ah u soo dhiibeen xubnaha bulshada.
Ilaa iyo hadda , waxaa si aan qasab ahayn loo soo dhiibay 271 hub ah iyo 879 xirmo oo rasaasi oo si sharci darro ah loogu isticmaalayay gudaha Baringo.