Hal qof oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil fulisay, afar kalena lagu dhaawacay

0
368

Isbitaalka al-Awda ayaa sheegay in hal qof oo Falastiin ah uu ku dhintay afar kalena ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo ay Israa’iil xalay ku qaaday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Waqooyiga Qaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay qaadeen weerarka ka dhanka ah xubin ka tirsan kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee loo yaqaano Islamic Jihad.