Waxaa lagu soo warramayaa in ay xiisad ka jirto aagga Sibilo ee deegaanka hoose ee Saimo Soi oo ka tirsan ismaamulka Baringo.
Koox burcad ah oo hubeysan ayaa xalay halkaasi ka gaystay weerar gaadmo ah oo ay ku toogteen hal ruux.
Kooxda oo rasaas ku furtay dad shacab ah ayaa dhaawacyo gaarsiiyay nin da’ dhexe ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka xalay lagu dhacay tiro xoolo ah oo aan weli cayimin waxayna dadku billaabeen inay ka qaxaan guriyahooda.
Falkan ayaa ku soo beegmay ka dib markii dhawaan rasaas lagu furay kolonyo baabuur ah oo siday xildhibaanka deegaanka Waqooyiga Baringo Joseph Makilap iyo wakiilka haweenka ee ismaamulkaasi Florence Jematia.
Mas’uuliyiintan ayaa ka badbaaday weerarka gawaaridooda lagu bartilmaameedsaday xilli ay marayeen aagga Chepkesin .
Waxaa ilaa iyo hadda amni darro awgeed loo xiray in ka badan 10 ka mid ah dugsiyada Baringo.