Hal qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday safaaradda Azerbaijan ee Iiraan

0
337

Waxaa la xaqiijiyay inuu hal qof dhintay ka dib markii weerar lagu qaaday safaaradda dowladda Azerbaijan ay ku leedahay wadanka Iiraan.
Wasaaradda arrimaha dhibadda ee Azerbaijan ayaa laga soo xigtay in qofka dhintay uu ilaalo ahaa.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay inay halkaasi ka daadgureyn doonto shaqaalaheeda dibloomaasiyadeed.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in qofka weerarka soo qaaday uu dilay madaxii amniga ee safaaradda.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay labo ilaalo oo kale.
Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso isagoo dalbaday baaritaan degdeg ah.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Nasser Kanaani ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka.
Ciidamada booliiska ee magaalada Tehran ayaa xiray eedeysane falkan lala xiriirinaya iyadoo baaritaano lagu hayo waxa uu damacsanaa qofka hubeysnaa ee weerarka gaystay.