Hal qof oo ganacsade ahaa ayaa ku dhintay shil ka dhacay deegaanka Chimoi ee magaalada Lugari ee ismaamulka Kakamega.
Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Enoch Wawire ayaa isla goobta ku geeriyooday ka dib markii uu ku dhacay gaari xamuul ah oo marayay wadada isku xirta magaalooyiinka Eldoret iyo Webuye.
Haweeney ayaa sido kale waxaa soo gaaray dhaawac halis ah.
Taliyaha booliska ee aagga Matete Anthony Okout ayaa sheegay in ay socdaan baadi goobka darawalkii kaxaynayay baabuurkii shilka sababay kaasi oo isla goobta ka baxsadey.