Hal qof oo ku dhintay qarax shidaal oo laga soo tabiyay Koonfur Afrika

0
307

Waxaa lagu soo warramayaa in hal qof uu dhintay halka ugu yaraan 41 kalena ay dhaawacmeen ka dib qarax laga shakisan yahay inuu gaas ka dhashay oo laga soo tabiyey magaalada Johannesburg, ee dalka Koonfur Afrika.
Ilaa iyo hadda si cad looma oga waxa sababay qaraxa xalay dhacay.
Hasa ahaate waxaa jiro tuhun ah inuu ka dhashay marin shidaal oo dhulka hoostiisa ah kaasoo saameeyay waddooyin ay baabuur marayeen.
Shirkadda shidaalka ee Johannesburg, ayaa dhankeeda sheegtay inaynan rumeysnayn in dhibaatadu ay ka timid dhuumaaheeda shidaalka ee dhulka hoostiisa mara.
Meydka qofka dhintay ayaa la helay xalay ka dib howlgallo la sameeyay sida laga soo xigtay afhayeenka waaxda maareynta xaaladaha degdegga ah ee magaalada Johannesburg, Robert Mulaudzi oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka.
Waxaa hadda socdo baaritaano dhacdadaasi ku aaddan oo ay qayb ka yihiin khuburro kala duwan.