Howlgallo samatabixin ah ayaa ka socda deegaanka Kambi Karaya ee dowlad deegaanka Galbeedka Pokot ka dib markii ay duntay goob dahabka laga qodo.
Sida laga soo xigtay warbixinnada booliiska, hal qof oo mayd ah ayaa la helay, halka tiro kalena aan la garanayn halka ay ku sugan yihiin.
Dhacdadan ayaa laga soo sheegay Saldhiga Booliska ee Marich galinkii dambe ee shalay
Kooxaha gurmadka ee ka kala socda Booliska Qaranka, Ciidanka Difaaca Kenya, iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa hadda ku sugan goobta, iyagoo isku dubaridaya sidii loo heli lahaa, loogana soo saari lahaa kuwa wali ku go’doonsan godka ku soo dumay.
Musiibadan ayaa ku soo beegmaysa 10 maalmood un ka dib dhacdo tan la mid ah oo ka dhacday tuulada Karon ee deegaanka Turkwel ee Galbeedka Pokot,halkaas oo ay ku naf waayeen afar ka mid ah macdan qodayaasha .
Dhacdooyinkan ayaa walaac muujiyay iyadoo lagu baaqayo xeerar adag iyo tallaabooyin badbaado si loo wanaajiyo nolosha macdan qodayaasha.