Hal qof ayaa dhintay halka dhowr kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah kadib markii derbi guri uu ku soo dumay wadada Parklands Fifth Avenue ee magaaladatan Nairobi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in darbiga dhisme ku socday uu dumay iyadoona uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah shaqaalaha dhismahaas.
Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka St Mary.
Darbigaas la dhisayay ayaa lagu tilmaamay mid sharci daro loo dhisayay