Hal qof oo dhintay halka tobonayo kalane ay ku dhaawacmeen shilka baska Greenline ee Bungoma

0
391

Hal qof ayaa dhintay halka dhowr kalane ay dhaawacmeen subaxnimadii hore ee Axadda kadib markii bas ay la socdeen uu shil baabuur ku galay magaalada Bukembe ee ismaamulka Bungoma.
Shilkan oo dhacay abaaro 4-tii subaxnimo ee Axadda maanta ah, ayaa waxaa ku lug lahaa bas ay leedahay shirkadda Greenline oo 65 rakaab ah ka soo qaaday magaalada Nairobi kuna sii jeeday Bungoma, gaari yar oo gaar loo leeyahay iyo laba baabuur oo kuwa xamuulka ah.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, shilka ayaa ka dhacay meel ku dhow Tuulada Roja ee loo dalxiis tago.
Darawalkii waday gaariga gaarka loo leeyahay ayaa isla goobta ku geeriyooday, halka haweeney la socotay ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.
Dhowr qof oo rakaab ah oo dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada ka agdhawaa iyaga oo isticmaalaya mootooyin, iyadoo baabuurta ambalaasta ay goobta soo gaareen abaaro 7-dii aroornimo oo kaliya.
Kooxaha samatabbixinta iyo goob joogayaal ayaa dhaleeceeyay gurmadka degdega ah ee xarumaha caafimaadka deegaanka.
Waddada isku xirta Bungoma iyo Webuye ayaa noqotay goob caan ku ah shilalka baabuurta.