Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore , ay waddanka Syria dib ugu laabteen hal milyan oo qof oo qaxooti ah.
Waxaa xilligaasi xukunka laga tuuray madaxweynihii muddada dheeraad ee Syria Bashaar al-Assad.
Waxay hay’adda xustay inuu sii yaraanaya dhaqaalaha lagu maareeyo howlaha baniaadannimo.
UNHCR ayaa intaasi ku dartay in 1.8 milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Syria muddo 14 sano ah oo uu jiray dagaal sokeeye in ay ku laabteen waddamada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.