Kadib markii shalay shacabka ku nool deegaanada Soomaaliland ay u dareereen doorashada Lagu Soo Xulanayay Xubnaha Golaha Wakiilada Soomaaliland iyo Goleyaasha Deegaanada ayaa waxaa Xalay la bilaabay Tirinta Cododkii ay Shacabku dhiibteen waxaana la filayaa in Saacadaha soo socda lagu dhawaaqo Natiijada Doorashada ka soo baxda.
Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar, iyagoo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah ee ka soo baxda Codadkii la dhiibtay.
Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay ee Goleyaasha Wakiilada iyo deegaanada Soomaaliland.
Xog laga helay doorashadii Isniintii Shalay ka dhacday Somaliland ayaa sheegeysa in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir,Sidoo kale 53% codbixiyeyaashu waxay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.
Inka badan kun musharax oo u taagnaa Golaha Wakiilada iyo deegaanka Soomaaliland oo Sanadkaan Markii ugu horaysay la qabanayo ayadoo ay isku sidkan yihiin ayaa ku tartanayay doorashada, Waxaana kor joogto ka ahaa Wakiilo ka socda dalalka taageerada siiya Somaliland.
Home Wararka Soomaaliya Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland oo Wali Tirinaya Codadkii ay shacabka Dhiibteen