Waxaa Maanta kulankii ugu horreeyay magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Guddoonka golaha Shacabka, iyagoo maanta doortay Guddoomiyaha iyo xoghayaha guddiga.
Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaay guddoomiye u doorteen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed kana mid ah Xubnaha mucaaradka oo helay 5 Cod halka xogheyn loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, kaas oo helay 4 Cod.
Xubnaha maanta la doortay oo hadlay ayaa sheegay inay si daacad ah ugu Shaqeyn doonaan Shaqada loo igmaday si deg deg ahna lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen.
Guddiga doorashooyinka Guddoonka golaha Shacabka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay diyaariyaan soona saaraan Jadwalka xilliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen.
Madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay guddoomiyeyaasha Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka in si deg deg ah loo qabto doorashada guddoonka labada Aqal si loogu gudbo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.