Madaxweyne kuxigeenka Puntland ee dhawaan sheegay inuu la wareegay xilka madaxwaynenimo ee maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi baaris ku sameeya u magacaabay dhacdadii magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhacdadaas ayaa aheyd mid Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ay ku weerareen Hoyga Nabadoon Yaasiin Cabdisamad xilli habene ah, halkaasoo uu ku sugnaa Wasiirka wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse, waxaana ku dhaawacmay Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad & Taliye kuxigeenka qaybta Booliska Gobolka Mudug.
Guddiga uu dhacadaas u saaray Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo gaaraya ilaa lix Xubnood ayaa ka kooban Golaha Wasiirada Puntland, laamaha Amniga & Xer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Oo Gudoomiye ka ah gudiga
2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle oo wakiilada maamulka Puntland ka tirsan
3: Xil Axmed Jaamac Warsame oo isna wakiilada Puntland ka tirsan
4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame Kusimaha Taliyaha Booliiska maamulka Puntland.
5: Aadan Cali Maxamuud Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)
6: Asad Faarax Maxamed oo gudiga la magacaabay Xoghayn looga dhigay.