Guddoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya oo shaqadii laga joojiyay orodkii Nasro awgii

0
750

Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa fuliyay amar ka soo baxay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Marwo Khadiija Aadan Daahir.
Tani ayaa daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya ka soo gaartay tartan orod oo ka dhacay dalka Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabadh la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah islamarkaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.
Khadiijo Aadan Daahir oo horaan warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar Cali aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli usuurta galinaya in ay ka qayb gasho orodka 100-ka mitir.
Waxaa la arkayay Nasro oo aan u ordeyn sidii qof yaqaan orodka islamarkaana waxay gashay kaalinta u dambeysa ee gabdhihii halkaas ku ordayey.